Posts

Showing posts from October, 2021

Lafagurka Xukunkii Maxkamadda ICJ ee Biyaheena

Image
  Mohamed Dahir Bismillaah, Maqaalkan hoos ku qoran waxaad kaga bogan doontaa, warcelimaha waydiimahan hoos ku taxan: 1.       Xukun noocee ah baa dhacay; Xal mise Cadaalad? 2.       Maxaynu helnay? Maxaynuse weynay? 3.       MOU, muxuu ahaa? Muxuu ina taray ama ina yeelay? 4.       Yaa soo dhiciyay baddeena? 5.       Maxaa tallaabo ah oo xigi kara? Maxaase la inaga rabaa?   1.       XUKUNKII DHACAY, XAL MISE CADAALAD? Shalay 12.Oct.2021 waxaa lagu dhawaaqay go'aan aynu mudo 6 sano ka badan ka dhursugaynay maxkamadda ICJ. Go'aankaas inta badan bulshada Soomaaliyeed way soo dhawaysay balse wuxuu ahaa go'aan aan 100% u qummin Soomaaliya. Hadaba waxan rabaa inaan halkan ku gorfeeyo argatideyda ku aaddan go'aankan iyo arrimo kale oo ku gedaaman. Marka hore waxan rabaa inaan bidhaamiyo in kiiskani ku saabsanaa qayb k...