Lafagurka Xukunkii Maxkamadda ICJ ee Biyaheena

 Mohamed Dahir



Bismillaah,

Maqaalkan hoos ku qoran waxaad kaga bogan doontaa, warcelimaha waydiimahan hoos ku taxan:

1.      Xukun noocee ah baa dhacay; Xal mise Cadaalad?

2.      Maxaynu helnay? Maxaynuse weynay?

3.      MOU, muxuu ahaa? Muxuu ina taray ama ina yeelay?

4.      Yaa soo dhiciyay baddeena?

5.      Maxaa tallaabo ah oo xigi kara? Maxaase la inaga rabaa?

 

1.      XUKUNKII DHACAY, XAL MISE CADAALAD?

Shalay 12.Oct.2021 waxaa lagu dhawaaqay go'aan aynu mudo 6 sano ka badan ka dhursugaynay maxkamadda ICJ. Go'aankaas inta badan bulshada Soomaaliyeed way soo dhawaysay balse wuxuu ahaa go'aan aan 100% u qummin Soomaaliya. Hadaba waxan rabaa inaan halkan ku gorfeeyo argatideyda ku aaddan go'aankan iyo arrimo kale oo ku gedaaman.

Marka hore waxan rabaa inaan bidhaamiyo in kiiskani ku saabsanaa qayb ka mid ah biyaheena oo Kenya inagu qabsatay. Waxay ahayd 'dhulkan anaa leh iyo waan kula leeyahay' ee ma ahayn kaalaya na kala xadeeya, sida ay ku doodayaan raggii MOU-ga saxeexay.

Marka taas laga yimaado, Kenya weligeedba damac ayaa kaga jiray baddeena balse wixii ka horreeyay xukuumaddii MOU-ga saxeexday waxay wayday cid ka neefisa oo ka gurta. Xukunkaas anigu marna waan soo dhaweeyay marna waan diidanahay. Mar waan soo dhaweeyay oo in intaba la inaga qaado ayaynu ka badbaadnay. Marna waan diiday oo (1) Biyaheenii qayb ahaan baa la inaga qaaday (2) Dad iyo Dal baynu ka samirnay.

 

2.      MAXAYNU HELNAY, MAXAYNUSE WAYNAY?

Shalay maxkamadda go'aankeedu wuxuu ahaa inay cadaysay in biyaheena intooda badan aynu inagu leenahay. Waxay kaloo cadaysay in biyaheena qayb ka mid ah ay tiri Kenyaanu siinay.



 

       I.            Shalay waxaynu helnay waxoogaa madax degsi ah iyo inaan xalay seexanay maadaama xukunkii aan intaas oo dhan sugaynay soo dhamaaday.

 

    II.            Waxa aynuse waynay, in qayb ka mid ah biyaheenii la yiri waxa samirsiin looga dhigay cadawgeenii. Maxkamadduna arinkaa ma ay qarsan, waayo gabadha akhrinaysay go'aanka waxay adeegsatay erayga "Equitable Solution". Maxkamadu waxay ahayd inay riddo xukun ku dhisan cadaalad balse aan raadinayn xal. Xalku, aragtideyda, wuu ka duwanyahay cadaaladda, waayo xalku waa natiijo wada qancisa labada dhinac (Win-Win). Cadaaladduse waxay ahayd inay noqoto in Kenya lagu amro biyaha ay inagu qabsatay inay faraha nooga qaado. Go'aankii shalayna sidaa darteed, ma ahayn cadaalad ee wuxuu ahaa xal raadin.

 

 III.            Qodobkaa hore ee ah gabalka biyaha ah ee aynu waynay, dadku waa wada arkeen, balse waxaa jirta arin kaa kasii mug wayn kana muhiimsan oo aynaan dhaadayn badankeenu. Shalay waxa inasoo gaadhay jugtii ugu cuslayd ee qaanuuni ah, taas oo ah inaynu si rasmi ah u aqoonsanay xuduud beenaadkii aynu diidanayn mudo ku dhaw 140ka sanadood. Waxaynu si dhab ah Kenya ugu aqoonsanay dad iyo dal balaadhan oo ay xoog inooga haysato balse aan weli ka bixin maskaxda in badan oo kamida jiilka soo koraya. Hada kahor majirin wax sharci caalami ah oo si gaar ah u taabanayay qodobkan oo Kenya inagala dhexeeyay iyo xitaa Itoobiya oo dhulkaa u saxeexayay. Sidoo kale ogsoonow, dastuurka Soomaaliya kii lixdankii iyo kan hadaba midkoodna ma aqoonsana xuduud beenaadka inagala dhexeeya Kenya iyo Itoobiya.

 

3.      IS-AFGARADKII, DHIB MISE DHEEF?

       I.            Is-afgaradkii la saxeexay 07.04.2009, horta Soomaaliyeey ogaada waxaa u dhamaa xukuumaddii waagaa jirtay idil ahaanteedba, sida uu marar badan sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ahaa ninkii qalinka ku duugay.

 

    II.            Heshiiskaasi ka Soomaali ahaan waynu ku daganayn waayo waxaynu ku ogolaanay oo qalinka ku duugnay in qayb ka mid ah biyaheenii aynu ku tilmaamno 'disputed area' sida ku cad warqaddii uu saxeexay Ex. Wasiir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo warqaddii 19.08.2009 uu UNka udiray raysalwasaare Cumar Cabdirashiid Cali. Halka ay iyagu ku doodayaan in heshiiskaas lagu baxsadayna, qaab khaldan ayay inoogu fasirayaan. Waa sax oo hadii si loo eego wax buu u taray garnaqsigii Soomaaliya ee sharciga caalamiga ah hortiisa. Laakiin sidee? Gadaal ayaynu ka arkidoonaa. Anaga ka shacab ahaan waxa aan ku haysano dadkii heshiiskan ku lugta lahaa waxa weeye, dhayalsiga ay qayb kamida dhaxalkayaga ugu sheegeen 'Disputed Area'.

 

 III.            Marka aynu eegno doodihii la isla galay, gaar ahaana doodihii qareenada difaacayay baddeena, markaynu eegno doodihii Kenya ka hor jeedisay maxkamadda iyo sida ay ku fasiratay heshiiska, markaynu eegno hadaladiii is khilaafsanaa ee todobadaa sano kasoo yeedhayay siyaasiyiintii lagu eedaynayay kiiska badda, marka aynu eegno hadalkii iyo khudbadii ugu dambaysay ee xalay Sh. Shariif iyo warkii uu ku tiraabay gaar ahaana laba weedhood oo aan si gooniya usoo xiganayo, (1) "CCW ayaan ku idhi raysalwasaaraha amarkiisa qaado, heshiiskana saxeex, wixii Alle naga siiyaan arkaynaaye", (2) "UNka iyo Norway baa dedaal sameeyay oo hawsha waday", dhamaanba markaynu fiirino intaas oo qodob, waxaa iska cad in is-afgaradkaas (Memorandum Of Understanding) aysan wax ogaal iyo aqoon ah, haba yaraatee, ay u lahaayeen labadii dhinac ee kala saxeexday, labaduba. Weliba hadalkii xalay ee Sh. Shariif wuxuu si toosa u iftiiminayaa in arinka gebi ahaantiisba ay wadatay dawlada Norway iyo dawlado kale oo labada qoloba loo keenay kadibna ay kala saxeexdeen warqad aysanna fahmin waxa ku qoran, waaba haday akhriyeene. Kenya inaysan fahansanayn waxa cadaynaya, doodaha ay maxkamadda ka horjeedisay ee ku saabsan fasiraadeeda heshiiska, ayaaba ku noqday ragaad ruugga ka galay iyo qodax ay iyadu dariiqa dhigatay, kadibna ay ku joogsatay. Dhankeena raggii heshiiskan galay inaysan fahansanayn waxaa cadayn buuxda u ah, kala hadalka, ma ogayn iyo waan ogaa-da iyo iska saxeex baan idhi iyo inay qayb kamida biyahoodii ku sheegeen "Disputed Area" taas oo na dhaxalsiisay in 12NM maanta Kenya naga qaaday.

 

 IV.            MOU-gu wuxuu inoo caawiyay maadaama uu qoladii gartu inagala dhaxaysay laftigooda jabiyay oo ay dhaafi waayeen, balse inaynu galnay iyo in CCW inoo saxeexay guushu maaha, waa gallad Eebbe oo cadawgeenii baa isagu ku garbixi kari waayay doodiisii. Halka uu maanta leeyahay ninkii heshiiska saxeexay taallo hala ii dhiso, aqoon iyo ogaal hadii uu heshiiskan ku gelilahaa, biyaheena 'Disputed" kuma tilmaameen, sidoo kalena ku dhawaad 20km2 maanta nalagama faramaroojiyeen.

 

4.      YAA SOO DHICIYAY  BADDA?

Kadib xukunkii shalay, waxaa baraha bulshada isqabsaday faallooyin is khilaafsan iyo hambalyo loo kala dirayo dhawr qof oo siyaasiyiin ah, oo qaarkood yihiin kuwii dhibkaan oo dhan na geliyay. Marka hore waxaa mudan inaan xusno guushani waxay usoo hoyatay gebi ahaanba isirka Soomaaliga ah. Waxaase si gaar ah ugu amaanan intii isu xilsaartay soo dhicinteeda oo aan ugu horraysiinayo labadii gabdhood ee dedaalka dheer ku bixiyay inay umada Soomaaliyeed gaar ahaan madaxdii qaranka ku baraarujiyaan arrinka, waa Dr. Fawzia Yuusuf X. Aadan, wasiirkii horee arimaha dibadda iyo Muna Sharmaan, garyaqaanaddii Soomaaliyeed ee sida wayn ugu hilba dirirtay soo dhicinta dhaxalka jiilasha soo socda. Marka labaad, madaxwaynihii dacwadda geeyay maxkamadda ICJ, H.E Xasan Sh. Maxamuud iyo madaxwaynihii ku adkaystay inuu sii wado dacwadda, H.E Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo garyaqaankii Soomaaliyeed ee laqmaday A.H.U.N Eng. Maxamed Cumar Saalixi oo si wayn u difaacay badeena, xeer ilaaliyihii hore ee qaranka Axmed Cali Daahir iyo dhamaanba kooxdii u xilsaarnayd ka shaqaynta arinkan. Ugu dambayna garyaqaanadii kale ee ajaanibta ahaa ee dagaalka nagala qayb galay, naguna kaalmeeyay aqoontooda sharciga caalamiga ah.

 

5.      MAXAA XIGA?

In kasta oo Kenya ay waxoogaa ku faa'iiday boobkeedii, waxay xalayba ku dhawaaqeen inaysan aqbalayn go'aankaasi. Sida aan ogsoonahayna, Kenya waxay goor horeba dhaqdhaqaaq ciidan iyo dabrid ka bilawday meeshii ay inagu haysatay. Intaa waxa raaca in ciidamada Kenya ay ku suganyihiin gudaha wadankeena iyo inay marar badan siyaasiyiinta Kenyanka iyo warbaahintooduba ay ka dhawaajiyaan inayba iyagu leeyihiin gobolada Gedo iyo Jubbooyinka. Inaga hadaba waxa inala gudboon, inaan u midawno tallaabo kasta oo Kenya qaado iyo wixii aan ka yeeli lahayn.

Anigu ka Maxamed ahaan, ma aaminsani in Kenya xoog wax nooga qaadi karto, balse hadana waxan soo jeedinayaa sadex qodob:

 

       I.            Dawladda Soomaaliya, mucaaradkeena kursiga ku xiiqsan iyo maamul goboleedyadaba dhamaantood waxaan ka rabnaa inay markan wax iska waydiiyaan waxna meel iskala dhigaan wixii laga yeeli lahaa falcelin kasta oo ka timaada Kenya. Qorshe dhaqaale, siyaasadeed, diblomaasiyadeed iyo xitaa mid difaac ah, waa lagama maarmaan inaan is diyaarino.

 

    II.            Hadii Kenyaanku ay sheegtaan taako kamid ah ciideena iyo biyaheena, oo ay kujiraan kuwii shalay la xukumay, inay dawlada Soomaaliya ku dhawaaqdo aduunkana si cad oo furan ugu sheegto in NFD aan anaga leenahay. Fadlan dawladeena waxan ka codsanaynaa derisnimo iyo diblomaasiyad iyo waxaa intaad halkan iska dhigtaan, Kenya haday isasoo qaawiso inana dharka aan dhigano.

 

 

 III.            Shacabka Soomaaliyeed meel walba uu joogo gudo iyo dibadba, waxan usoo jeedinayaa inaan bilawno olole ka dhan ah joogitaanka ciidamada Kenya ee dalkeena. Xitaa hadii dawladu samayn waydo arinkaa inaan bilawno #Hashtags sida inaan dhahno #Buri Keenyaanka oo aan aduunka dhana gaarsiino kuna cadaadino dawlada iyo beesha lixaadba in ciidamada Kenya nooga tagaan dalkeena.

 

Guntii iyo gebogebadii, waxan rabaa inaan kuso afmeero tibaax odhanaysa "Biyaheena rag ayaa dhaxal wareejiyay, balse dumar ayaa soo dhiciyay" waa guul si gaar ah ugusoo hoyatay haweenka Soomaaliyeed, waxa u sabab ah aan ku celiyee Dr. Fawzia Yuusuf X. Aadan iyo Muna Sharmaan.

 

W.B.T

 




Comments

Popular posts from this blog

Modeling the Contribution of Domestic Savings to Economic Growth: Empirical Evidence from Somalia