Lafagurka Xukunkii Maxkamadda ICJ ee Biyaheena
Mohamed Dahir
Bismillaah,
Maqaalkan hoos ku
qoran waxaad kaga bogan doontaa, warcelimaha waydiimahan hoos ku taxan:
1.
Xukun noocee ah baa dhacay; Xal mise Cadaalad?
2.
Maxaynu helnay? Maxaynuse weynay?
3.
MOU, muxuu ahaa? Muxuu ina taray ama ina yeelay?
4.
Yaa soo dhiciyay baddeena?
5.
Maxaa tallaabo ah oo xigi kara? Maxaase la inaga rabaa?
1.
XUKUNKII DHACAY, XAL
MISE CADAALAD?
Shalay 12.Oct.2021
waxaa lagu dhawaaqay go'aan aynu mudo 6 sano ka badan ka dhursugaynay
maxkamadda ICJ. Go'aankaas inta badan bulshada Soomaaliyeed way soo dhawaysay
balse wuxuu ahaa go'aan aan 100% u qummin Soomaaliya. Hadaba waxan rabaa inaan
halkan ku gorfeeyo argatideyda ku aaddan go'aankan iyo arrimo kale oo ku
gedaaman.
Marka hore waxan rabaa
inaan bidhaamiyo in kiiskani ku saabsanaa qayb ka mid ah biyaheena oo Kenya
inagu qabsatay. Waxay ahayd 'dhulkan anaa leh iyo waan kula leeyahay' ee ma ahayn
kaalaya na kala xadeeya, sida ay ku doodayaan raggii MOU-ga saxeexay.
Marka taas laga
yimaado, Kenya weligeedba damac ayaa kaga jiray baddeena balse wixii ka
horreeyay xukuumaddii MOU-ga saxeexday waxay wayday cid ka neefisa oo ka gurta.
Xukunkaas anigu marna waan soo dhaweeyay marna waan diidanahay. Mar waan soo
dhaweeyay oo in intaba la inaga qaado ayaynu ka badbaadnay. Marna waan diiday
oo (1) Biyaheenii qayb ahaan baa la
inaga qaaday (2) Dad iyo Dal baynu
ka samirnay.
2.
MAXAYNU HELNAY,
MAXAYNUSE WAYNAY?
Shalay maxkamadda
go'aankeedu wuxuu ahaa inay cadaysay in biyaheena intooda badan aynu inagu
leenahay. Waxay kaloo cadaysay in biyaheena qayb ka mid ah ay tiri Kenyaanu
siinay.
I.
Shalay waxaynu helnay waxoogaa madax degsi ah iyo inaan xalay
seexanay maadaama xukunkii aan intaas oo dhan sugaynay soo dhamaaday.
II.
Waxa aynuse waynay, in qayb ka mid ah biyaheenii la yiri waxa
samirsiin looga dhigay cadawgeenii. Maxkamadduna arinkaa ma ay qarsan, waayo
gabadha akhrinaysay go'aanka waxay adeegsatay erayga "Equitable Solution". Maxkamadu waxay ahayd inay
riddo xukun ku dhisan cadaalad balse aan raadinayn xal. Xalku, aragtideyda, wuu
ka duwanyahay cadaaladda, waayo xalku
waa natiijo wada qancisa labada dhinac (Win-Win). Cadaaladduse waxay ahayd inay noqoto in Kenya lagu amro biyaha ay
inagu qabsatay inay faraha nooga qaado. Go'aankii shalayna sidaa darteed, ma
ahayn cadaalad ee wuxuu ahaa xal raadin.
III.
Qodobkaa hore ee ah gabalka biyaha ah ee aynu waynay, dadku waa
wada arkeen, balse waxaa jirta arin kaa kasii mug wayn kana muhiimsan oo aynaan
dhaadayn badankeenu. Shalay waxa inasoo gaadhay jugtii ugu cuslayd ee qaanuuni
ah, taas oo ah inaynu si rasmi ah u aqoonsanay xuduud beenaadkii aynu diidanayn
mudo ku dhaw 140ka sanadood. Waxaynu si dhab ah Kenya ugu aqoonsanay dad iyo
dal balaadhan oo ay xoog inooga haysato balse aan weli ka bixin maskaxda in
badan oo kamida jiilka soo koraya. Hada kahor majirin wax sharci caalami ah oo
si gaar ah u taabanayay qodobkan oo Kenya inagala dhexeeyay iyo xitaa Itoobiya
oo dhulkaa u saxeexayay. Sidoo kale ogsoonow, dastuurka Soomaaliya kii
lixdankii iyo kan hadaba midkoodna ma aqoonsana xuduud beenaadka inagala
dhexeeya Kenya iyo Itoobiya.
3.
IS-AFGARADKII, DHIB
MISE DHEEF?
I.
Is-afgaradkii la saxeexay 07.04.2009, horta Soomaaliyeey ogaada
waxaa u dhamaa xukuumaddii waagaa jirtay idil ahaanteedba, sida uu marar badan
sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ahaa ninkii qalinka ku duugay.
II.
Heshiiskaasi ka Soomaali ahaan waynu ku daganayn waayo waxaynu ku
ogolaanay oo qalinka ku duugnay in qayb ka mid ah biyaheenii aynu ku tilmaamno
'disputed area' sida ku cad warqaddii uu saxeexay Ex. Wasiir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo
warqaddii 19.08.2009 uu UNka udiray raysalwasaare Cumar Cabdirashiid Cali. Halka ay iyagu ku doodayaan in heshiiskaas
lagu baxsadayna, qaab khaldan ayay inoogu fasirayaan. Waa sax oo hadii si loo
eego wax buu u taray garnaqsigii Soomaaliya ee sharciga caalamiga ah hortiisa. Laakiin sidee? Gadaal ayaynu ka
arkidoonaa. Anaga ka shacab ahaan waxa aan ku haysano dadkii heshiiskan ku
lugta lahaa waxa weeye, dhayalsiga ay qayb kamida dhaxalkayaga ugu sheegeen 'Disputed Area'.
III.
Marka aynu eegno doodihii la isla galay, gaar ahaana doodihii
qareenada difaacayay baddeena, markaynu eegno doodihii Kenya ka hor jeedisay
maxkamadda iyo sida ay ku fasiratay heshiiska, markaynu eegno hadaladiii is
khilaafsanaa ee todobadaa sano kasoo yeedhayay siyaasiyiintii lagu eedaynayay
kiiska badda, marka aynu eegno hadalkii iyo khudbadii ugu dambaysay ee xalay
Sh. Shariif iyo warkii uu ku tiraabay gaar ahaana laba weedhood oo aan si
gooniya usoo xiganayo, (1) "CCW
ayaan ku idhi raysalwasaaraha amarkiisa qaado, heshiiskana saxeex, wixii Alle
naga siiyaan arkaynaaye", (2)
"UNka iyo Norway baa dedaal sameeyay oo hawsha waday", dhamaanba
markaynu fiirino intaas oo qodob, waxaa iska cad in is-afgaradkaas (Memorandum Of Understanding) aysan wax
ogaal iyo aqoon ah, haba yaraatee, ay u lahaayeen labadii dhinac ee kala
saxeexday, labaduba. Weliba hadalkii xalay ee Sh. Shariif wuxuu si toosa u
iftiiminayaa in arinka gebi ahaantiisba ay wadatay dawlada Norway iyo dawlado kale oo labada qoloba loo keenay kadibna
ay kala saxeexdeen warqad aysanna fahmin waxa ku qoran, waaba haday akhriyeene.
Kenya inaysan fahansanayn waxa cadaynaya, doodaha ay maxkamadda ka horjeedisay
ee ku saabsan fasiraadeeda heshiiska, ayaaba ku noqday ragaad ruugga ka galay
iyo qodax ay iyadu dariiqa dhigatay, kadibna ay ku joogsatay. Dhankeena raggii
heshiiskan galay inaysan fahansanayn waxaa cadayn buuxda u ah, kala hadalka, ma
ogayn iyo waan ogaa-da iyo iska saxeex baan idhi iyo inay qayb kamida
biyahoodii ku sheegeen "Disputed
Area" taas oo na dhaxalsiisay in 12NM maanta Kenya naga qaaday.
IV.
MOU-gu wuxuu inoo caawiyay maadaama uu qoladii gartu inagala
dhaxaysay laftigooda jabiyay oo ay dhaafi waayeen, balse inaynu galnay iyo in CCW
inoo saxeexay guushu maaha, waa gallad Eebbe oo cadawgeenii baa isagu ku
garbixi kari waayay doodiisii. Halka uu maanta leeyahay ninkii heshiiska
saxeexay taallo hala ii dhiso, aqoon iyo ogaal hadii uu heshiiskan ku gelilahaa,
biyaheena 'Disputed" kuma
tilmaameen, sidoo kalena ku dhawaad 20km2 maanta nalagama faramaroojiyeen.
4.
YAA SOO DHICIYAY BADDA?
Kadib xukunkii shalay,
waxaa baraha bulshada isqabsaday faallooyin is khilaafsan iyo hambalyo loo kala
dirayo dhawr qof oo siyaasiyiin ah, oo qaarkood yihiin kuwii dhibkaan oo dhan
na geliyay. Marka hore waxaa mudan inaan xusno guushani waxay usoo hoyatay gebi
ahaanba isirka Soomaaliga ah. Waxaase si gaar ah ugu amaanan intii isu
xilsaartay soo dhicinteeda oo aan ugu horraysiinayo labadii gabdhood ee
dedaalka dheer ku bixiyay inay umada Soomaaliyeed gaar ahaan madaxdii qaranka
ku baraarujiyaan arrinka, waa Dr. Fawzia
Yuusuf X. Aadan, wasiirkii horee arimaha dibadda iyo Muna Sharmaan, garyaqaanaddii Soomaaliyeed ee sida wayn ugu hilba
dirirtay soo dhicinta dhaxalka jiilasha soo socda. Marka labaad, madaxwaynihii
dacwadda geeyay maxkamadda ICJ, H.E
Xasan Sh. Maxamuud iyo madaxwaynihii ku adkaystay inuu sii wado dacwadda, H.E Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo
garyaqaankii Soomaaliyeed ee laqmaday A.H.U.N Eng. Maxamed Cumar Saalixi oo si wayn u difaacay badeena, xeer
ilaaliyihii hore ee qaranka Axmed Cali
Daahir iyo dhamaanba kooxdii u xilsaarnayd ka shaqaynta arinkan. Ugu
dambayna garyaqaanadii kale ee ajaanibta ahaa ee dagaalka nagala qayb galay,
naguna kaalmeeyay aqoontooda sharciga caalamiga ah.
5.
MAXAA XIGA?
In kasta oo Kenya ay
waxoogaa ku faa'iiday boobkeedii, waxay xalayba ku dhawaaqeen inaysan aqbalayn
go'aankaasi. Sida aan ogsoonahayna, Kenya waxay goor horeba dhaqdhaqaaq ciidan
iyo dabrid ka bilawday meeshii ay inagu haysatay. Intaa waxa raaca in ciidamada
Kenya ay ku suganyihiin gudaha wadankeena iyo inay marar badan siyaasiyiinta
Kenyanka iyo warbaahintooduba ay ka dhawaajiyaan inayba iyagu leeyihiin
gobolada Gedo iyo Jubbooyinka. Inaga hadaba waxa inala gudboon, inaan u midawno
tallaabo kasta oo Kenya qaado iyo wixii aan ka yeeli lahayn.
Anigu ka Maxamed
ahaan, ma aaminsani in Kenya xoog wax nooga qaadi karto, balse hadana waxan soo
jeedinayaa sadex qodob:
I.
Dawladda Soomaaliya, mucaaradkeena kursiga ku xiiqsan iyo maamul
goboleedyadaba dhamaantood waxaan ka rabnaa inay markan wax iska waydiiyaan
waxna meel iskala dhigaan wixii laga yeeli lahaa falcelin kasta oo ka timaada
Kenya. Qorshe dhaqaale, siyaasadeed, diblomaasiyadeed iyo xitaa mid difaac ah,
waa lagama maarmaan inaan is diyaarino.
II.
Hadii Kenyaanku ay sheegtaan taako kamid ah ciideena iyo
biyaheena, oo ay kujiraan kuwii shalay la xukumay, inay dawlada Soomaaliya ku
dhawaaqdo aduunkana si cad oo furan ugu sheegto in NFD aan anaga leenahay.
Fadlan dawladeena waxan ka codsanaynaa derisnimo iyo diblomaasiyad iyo waxaa
intaad halkan iska dhigtaan, Kenya haday isasoo qaawiso inana dharka aan
dhigano.
III.
Shacabka Soomaaliyeed meel walba uu joogo gudo iyo dibadba,
waxan usoo jeedinayaa inaan bilawno olole ka dhan ah joogitaanka ciidamada
Kenya ee dalkeena. Xitaa hadii dawladu samayn waydo arinkaa inaan bilawno #Hashtags
sida inaan dhahno #Buri Keenyaanka
oo aan aduunka dhana gaarsiino kuna cadaadino dawlada iyo beesha lixaadba in
ciidamada Kenya nooga tagaan dalkeena.
Guntii iyo
gebogebadii, waxan rabaa inaan kuso afmeero tibaax odhanaysa "Biyaheena rag ayaa dhaxal wareejiyay, balse
dumar ayaa soo dhiciyay" waa guul si gaar ah ugusoo hoyatay haweenka
Soomaaliyeed, waxa u sabab ah aan ku celiyee Dr. Fawzia Yuusuf X. Aadan iyo Muna
Sharmaan.
W.B.T
Comments
Post a Comment